Nagu Saabsan

Waa maxay Bashi?

Bashi waa adeeg dhijitaal ah oo aad si fudud su'aalahayaga ugu qeexi karto calaamadahaaga.
Waxaad 60 ilbidhiqsi gudahood markaa heli doontaa talo ku saabsan is-daryeelid, iibsasho farmasii ama booqasho dhakhtaro. Waxaanu kugu sii hagaynaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan goorta iyo meesha aad ka raadsan karto daryeel.

Bashi waxa aasaasay dhakhaatiir, kalkaaliyayaal iyo qareeno si dhow u arkay waxa ku dhaca bukaannada iyo safafka daryeel marka bukaanku u galaan daryeel bixiye khaldan, ama aanay caawimo xilli hore ku raadsan.

Adeegga Bashi waa bilaash oo uma baahna gelitaan (log in). Waxaanu maanta kugu caawinnaa toban luqadood oo kala duwan. Hadafkayagu waa in aannu hagno dad badan intii suurtagal ah iyo luqado badan intii suurtagal ah.

Waxa adeegga Bashi maanta lagu heli karaa luqadahan:

Türkçe
Soomaali
Español
English
Svenska
العربية (Arabiska)
فارسی (Persiska)
Polski
Kurmancî
Srpski/Hrvatski/Bosansk - latinica