Siyaasadda xogta shakhsiyeed

1. Hordhac iyo ujeeddo

BumbiPower AB, org.nr 559173-8710 (halkan ka dib ah "BumbiPower"), waxay ixtiraamaysaa shakhsiyaddaada gaarka ah oo muhiimad siinayaan inaad amni ku dareento qaabka aannu u maamulno xogtaada shakhsiyeed. Si loo ilaaliyo xogtaada shakhsiyeed, waxaannu qaadnay dhammaan tallaabooyinka macquulka ah ee ku habboon. Siyaasaddan xogta shakhsiyeed waxa ku sharaxan sida BumbiPower u maarayso xogtaada shakhsiyeed markaad isticmaalayso adeegyadayada. Waxa kale oo ku sharraxan xuquuqda aad nagu leedahay iyo dariiqa aad marayso si aad u gudan lahayd.


BumbiPower waa mas'uulka xogta shakhsiyeed ee maaraynta xogta shakhsi ee aannu samayno. Markaad isticmaasho adeegyadayada, waxaad aqbashay in xogtaada shakhsiyeed loo maareeyo habka lagu qeexay siyaasaddan xogta shakhsiyeed.


Haddi aad isticmaasho bashi.se si aad samayso la-kulan daryeel bixiye, waxa daryeel-bixiyuhu yahay mas'uulka xogta shakhsiyeed ee maaraynta xogta shakhsiyeed ee dhacaysa inta lagu jiro kulanka si uu kuu siiyo daryeel.


2. Qeexitaanno

Xogta shakhsiyeed: Dhammaan macluumaadka si toos ah ama si dadban loola xidhiidhin karo qof kasta oo immika nool. Tusaale xogta shakhsiyeed waa magaca, personnummerka, emaylka iyo sawirrada suurtagelinaya aqoonsiga.


Maaraynta xogta shakhsiyeed: Eray wadareed la isticmaalo marka xogta shakhsiyeed si uun u maareyso shirkad, hay'ad ama urur. Tusaale maaraynta xogta shakhsiyeed waa ururinta, isticmaalka, kaydinta, gudbinta iyo tirtirka/masaxaadda.


3. Sharaxaad ku saabsan sida aan u maarayno xogtaada shakhsiyeed

Markaad koonto ka diiwaan galiso bashi.se

Qaybaha xogta shakhsiyeed Personnummerka, magaca, lambarka telefoonka, cinwaanka.
Maaraynta Waxaan maaraynaa macluumaadka aad bixiso marka aad naga samaysatoo koonto isticmaale ka dibna isticmaasho adeegga.
Ujeeddo In isticmaale ahaan laguu suurtageliyo inaad isticmaali karto adeegga oo, haddii loo baahdo, ballan ka qabsato daryeel bixiye oo aad samayso kulannada daryeelka.
Sharciga uu ku salaysan yahay Heshiiska (art. 6.1 b GDPR).
Muddada kaydinta Xogaha shakhsiyeed waxa la kaydiyaa hal sano.

Markaad isticmaalayso adeegga ee ballan ka qabsanayso daryeel bixiye adigoo isticmaalaya bashi.se

Qaybaha xogta shakhsiyeed Personnummerka, magaca, lambarka telefoonka, cinwaanka, lambarka telefoonka, caafimaadka (sawirka calaamadaha ku haya), macluumaadka sida aad u isticmaashay adeegga.
Maaraynta Macluumaadka si toos ah ayaa adiga lagaaga ururinayaa, taasoo ku saleysan waxaad sheegto markaad isticmaalayso adeegga iyo sida aad u isticmaalayso adeegga. Macluumaadka waxa sidoo kale laga soo qaataa hay'adda Dawladda ee Diiwaanka Ciwaannada askhaasta (SPAR). BumbiPower waxay xogta shakhsiyeed la wadaagtaa daryeel-bixiyeyaasha caafimaadka.
Ujeeddo In isticmaale ahaan laguu suurtageliyo inaad isticmaali karto adeega oo, haddii loo baahdo, ballan ka qabsato daryeel bixiye, oo aad samayso kulannada daryeelka. Marka daryeel-bixiyuhu haysto xogtaada shakhsiyeed, waxay la xidhiidhin karaan kiisaaaga adiga gaar ahaan.
Sharciga uu ku salaysan yahay Heshiiska (art. 6.1 b GDPR).
Muddada kaydinta Xogaha shakhsiyeed waxa la kaydiyaa laba sano.

Bogaggayga websaytka bashi.se

Qaybaha xogta shakhsiyeed Personnummerka, magaca, lambarka telefoonka, cinwaanka, lambarka telefoonka, caafimaadka (sawirka calaamadaha ku haya iyo dukumentiga uu daryeel-bixiyuhu diray).
Maaraynta Macluumaadka adiga ayaa lagaa ururinayaa, taasoo ku saleysan waxaad sheegto markaad isticmaalayso adeegga ballanqabashada ama la kaydiyay ka dib marka daryeel-bixiyuhu dukumeenti kuu soo diray kulan dhexdiis. BumbiPower way kaydinaysaa macluumaadka, laakiin adiga oo kaliya ayaa heli kara macluumaadka ku jira "mina sidor" (boggagayga).
Ujeeddo Suurtogelinta inaad isticmaale ahaan kaydin karto macluumaadka xidhiidhadaada daryeelka caafimaadka iyo dukumeentiyada ay daryeel-bixiyeyaasha caafimaadku kuu soo direen.
Sharciga uu ku salaysan yahay Heshiiska (art. 6.1 b GDPR).
Muddada kaydinta Xogaha shakhsiyeed waxa la kaydiyaa hal sano.

Marka aad ku dhex jirto bogagga bashi.se (cookies)

Qaybaha xogta shakhsiyeed Bashi waxa la kaydiyaa xogta shakhsiyeed sida personnummer, magaca hore, magaca qoyska, cinwaanka iyo lambarka mobilka. Waxaan sidoo kale kaydinnaa "session cookies", waxaanannu u isticmaalnaa kuwan si hawlaha websaytku u shaqeeyaan. Cookies:ka websaytka bashi.se waxay ururiyaan macluumaadka geo-location:ka, foomka su'aalaha (su'aalaha iyo jawaabaha), luqadda qofku ka dooratay websaytka, macluumaadka laga soo qaatay hay'adda SPAR (magaca koowaad, magaca dambe, ciwaanka, magaalada, postnummerka) Wax dheeraada oo ku saabsan cookies-kayaga iyo sida aan kuwan u isticmaalno waxaad ka akhrin kartaa halkan.
Maaraynta Isticmaalka cookies
Ujeeddo Waxaanu ururinnaa cookies (faylal yaryar oo qoraallo ah oo websaytyada hore ee aad booqatay ah). Ujeeddadu waa in isticmaaleyaasha lagu jiheeyo qaybaha ku habboon ee websaytka, in la hubiyo in websaytku leeyahay muuqaal joogto ah borwserada iyo aaladaha kala duwan marka laga daawanayo iyo in la suurtogeliyo in websaytku si sax ah u shaqeeyo.
Sharciga uu ku salaysan yahay Oggolaansho (art. 6.1 a GDPR). Oggolaanshaha waa laga noqon karaa, macluumaad dheeraad oo siyaasaddayada cookieska ka eeg halkan.
Muddada kaydinta Macluumaad ku saabsan muddada kaydinta intaan la titirin, ka eeg siyaasaddayada cookieska halkan

4. Xogtaada shakhsiyeed waxaa laga yaabaa in lala wadaago cid kale

Si adeeggu u shaqeeyo, waxay cid kale mararka qaarkood u baahan yihiin inay helaan xogtaada shakhsiyeed. Tusaale ahaan, xogtaada shakhsiyeed waxa lala wadaagaa daryeel-bixiyeyaasha ay khusayso markaad ballan qabsanayso ama kulan kulan fiidyow ah ku leedahay bashi.se. Waxa markaa loo oggolaadaa shaqaalaha daryeelka ee maamula ama ka qaybqaata daryeelkaaga, ama ugu baahan xogta shaqadooda. Waxa kale oo xogtaada shakhsiyeed laga yaabaa in lala wadaago shaqaalahayaga xogta shakhsiyeed, taasoo aan u isticmaalno waxyaabaha ay ka mid yihiin maareynta adeegyadayada IT:ga.


Marka aannu xogtaada shakhsiyeed la wadaagno cid kale, waxaannu qaadnaa tallaabooyinka farsamo iyo abaabul ee lagama maarmaanka ah si aan u hubinno in xogtaada shakhsiyeed loo wareejiyo oo loo maareeyo.si ammaan ah


Waxa bashi.se ku jira linkiyo xarumaha aannu wadashaqaynta la leennahay.. Markaad ka baxdo websaytka bashi.se, BumbiPower kama sii mas'uul aha ururinta xogta shakhsiyeed ee ka dhacda websaytka daryeel-bixiyaha caafimaadka ee lagugu xidhiidhiyay iyo qaabka adeeggooda. Macluumaad ku saabsan ururinta xogta shakhsiyeed iyo xuquuqaha iyo shuruudaha, waxay Bumbipower kuu tilmaamaysaa shuruudaha iyo siyaasadaha u goonida u ah kolba cidda linkigu ku geeyo. BumbiPower xog shakhsiyeed kuma wareejiso xarumaha aannu kugu xidhiidhinno (kugu link-garayno).


5. Maaraynta dalalka EU/EEA gudahooda

BumbiPower iyo shaqaalaha xogta shakhsiyeed ee la kiraystaa waxay kaliya ku maarayn doonaan xogtaada shakhsiyeed gudaha dalalka EU/EEA. Dhammaan maaraynta, oo ay ku jirto kaydintu, waxay si gaar ah u ahaanayaan server-ada yaalla Swedishka.


6. Xuquuqdaada

Marka aan maaraynayno xogtaada shakhsiyeed, waxaad nagu leedahay xuquuqo dhowr ah. Waxa hoos ku qoran warbixin kooban oo kuwan ah:


Xuquuqda xogta iyo helitaanka: Waxaad ugu horreyn bilaash ku codsan kartaa waxa loogu yeedho daalacasho diiwaan. Marka si fudud loo sharraxona waa nuqul ka mid ah xogtaada shakhsiyeed ee aannu maarayno, sida loo isticmaalo iyo xarumaha lala wadaagay, haddii ay dhacday.


Xuquuqda sixitaanka: Waxaad xeer ahaan xaq u leedahay inaad na weydiisato inaan saxno macluumaad kasta oo khaldan ama aan dhammaystirnayn.


Xuquuqda masaxaad: Waxaad xaaladaha qaarkood xaq u leedahay inaad codsato in xogtaada shakhsiyeed la masaxo.


Xuquuq xadayn: Waxa kale oo aad dalban kartaa in maaraynta xogtaada shakhsiyeed la xaddido. Tusaale ahaan, haddii aad codsatay sixitaan oo aad rabto in maaraynta la xaddido muddada lagu jiro wakhtiga ay nagu qaadanayso hubinta iyo, haddii loo baahdo, fulinta codsigaaga.


Xuquuqda in la wareejin karo xogta: Haddi aannu xogtaada shakhsiyeed maarayno annagoo ku salaynayna heshiis ama ogolaansho, waxaad xaaladaha qaarkood xaq u leedahay inaad hesho xogta shakhsiyeed ee aad na siisay iyo. Haddii aad codsado, waxaannu sidoo kale, haddii ay farsamo ahaan suurtagal tahay, si toos ah xogta ugu wareejin karnaa mas'uul xogta shakhsiyeed oo kale.


Haddii aad rabto in aad sheegato mid ka mid ah xuquuqahaaga, waxaad nagala soo xidhiidhaa emaylka: privacy@bashi.se. Ogsoonow in xuquuqaha la soo sheegay midkoodna aanu ahayn wax go'an. Waxa dabcan jira xaalado aannu diidi karno codsigaaga. Tusaale ahaan, codsiga tirtirka/masaxaadda waa la diidi karaa haddii ay waajib nagu tahay in aan kaydino xogta shakhsiyeed ee aad codsatay sida waafaqsan sharci ama heshiis.


7. Cabasho

Haddii aad isleedahay in aannu si khaldan u maarayno xogtaada shakhsiyeed, waxa aad xaq u leedahay in aad u dacwoodo Hay'adda Integritetsskyddmyndigheten.


8. Macuumaadka xidhiidhka

Ma qabtaa su'aalo ku saabsan sida aannu u maarayno xogtaada shakhsiyeed? Fadlan kala so xidhiidh sarkaalkayaga amniga xogta emaylka ah: dpo@bashi.se

Sidoo kale toos ayaad nagala soo xidhiidhi kartaa:

BumbiPower AB

Tegnérgatan 6

113 58 Stockholm


privacy@bashi.se


9. Isbeddelka qoraalkan siyaasadda

Waxaa laga yaabaa in aannu cusboonaysiinno qoraalkan siyaasadda. Haddii ay yimaaddaan isbeddello waaweyn, si gaar ah ayaannu kuu ogeysiin doonaa.